Qishka Imtixaanka
Casharkeenaan maanta waxaan kusoo qaadan doonaa qishka imtixaanka, casharkeenii hore waxaa kasoo hadalnay sifooyinka uu leeyahay macalinka wanaagsan, waxaynu soo sheegnay illaa 26 sifo oo looga baahan macalinku inuu yeesho, Hadaba casharkeena waxaan kusoo qaadanaynaa imtixaanaadka iyo qishka. Marka laga sheekeynayo wax barashada waa muhiim in qofka wax la baraa, in qofku wax bartaana waa muhiim hormarkuna iyaduu ku xiran yahay lakiinse hadii aan laga fogaanin waxyaalaha dhibaatada u keena waxbarashada waxaa soo baxa jiil waxbartay oo shahaado la siiyay laakiinse aan wadan aqoontii looga baahnaa. Qishka Imtixaanaadka: Hadaba qishka markeynu ka sheekeynayo maanta dalkeenna iyadoo uu jiro nidaam aad u wanaagsan imtixaanaadku hadana oo run ahaantii wax badanna laga qabtay xagga imtixaanaadka dedaal badana runtii loogu jiro sidii loo hagaajin lahaa run ahaantii aan odhan karo markaan ka sheekeynayo wanadaan sida Somalia oo kale Somaliland halka ay ka marayso imtixaanaadka iyo nidaam...