Qishka Imtixaanka

Casharkeenaan maanta waxaan kusoo qaadan doonaa qishka imtixaanka, casharkeenii hore waxaa kasoo hadalnay sifooyinka uu leeyahay macalinka wanaagsan, waxaynu soo sheegnay illaa 26 sifo oo looga baahan macalinku inuu yeesho, Hadaba casharkeena waxaan kusoo qaadanaynaa imtixaanaadka iyo qishka.

Marka laga sheekeynayo wax barashada waa muhiim in qofka wax la baraa, in qofku wax bartaana waa muhiim hormarkuna iyaduu ku xiran yahay lakiinse hadii aan laga fogaanin waxyaalaha dhibaatada u keena waxbarashada waxaa soo baxa jiil waxbartay oo shahaado la siiyay laakiinse aan wadan aqoontii looga baahnaa.

Qishka Imtixaanaadka:

Hadaba qishka markeynu ka sheekeynayo maanta dalkeenna iyadoo uu jiro nidaam aad u wanaagsan imtixaanaadku hadana oo run ahaantii wax badanna laga qabtay xagga imtixaanaadka dedaal badana runtii loogu jiro sidii loo hagaajin lahaa run ahaantii aan odhan karo markaan ka sheekeynayo wanadaan sida Somalia oo kale Somaliland halka ay ka marayso imtixaanaadka iyo nidaamintooda run ahaantii waa meel aad u fiican.

Ardaygii hore jaamacada Harvard oo successful entrepreneur  ganacsade ah.

Arrintaas iyadoo jirta hadana waxaa xaqiiqo ah maanta qishka waxa la yiraahdaa oo runtii ku hayo dhibaato aad u badan imtixaanaadka dalka.

Hadaba qodobkan waxaa kusoo qaadan doonaa qishka markaan ka sheekeynayo 5 qodob ayaa runtii kaga hadli doonaa qodobka koobaad waxa weeyaan waxaa tilmaami doonaa.


Xaqiiqada Qishka:

Run ahaantii qishku waa uu ka jira Somaliland waana xaqiiqo maanta jirta, bal e waxaan odhan karaa sannadihii ugu dambeeyay 2-dii sano ee dambeeyay qishka imtixaanaadku kor ayuu u kacay.


Runt ahaantii warbixinnadu waxa ay tilmaamayaan qishka imtixaanaadku inuu ka jiro dugiyada iyo jaamacadaha, laakiin waxay warbixinnadu sii tilmaamayaan in dugsiyadu ay kaga badan yihiin jaamacadaha ay kaga badan yihiin, sidoo kale qishka imtixaanaadku wuxuu ku badan yahay ardayda yaryar marka loo eego waa weyn.

Sida oo kale qishka imtixaanaadku wuxuu ku badan yahay inamada marka la barbardhigo hablaha.

Run ahaantii waxaa odhan karaa qishka imtixaanaadu marka aan ka sheekeynayo dalkeenna maanta waxaa muuqata ardayda wax baranaya in aanay ogaynba qishka imtixaanaadka iyo khatarta uu leeyahay waxaana arrintaas walaaca ka muujiyay khabiir barta nafaqada oo dhigta

Bal e Waxaad arkeysaa ardaygii in aanu aadba usii tixgelineyn shuruuxda ku saabsan imtixaanaadka,balse waxaa laga yaabaa mararka qaarba inaad aragto arday ama macalin arday kale ku dhiirragelinaya inuu qisho imtixaanka.

Sidoo loo bilaababo jaamacadda  waxay ka hadlay qaabka ee jaamacad aad u bilaabi karto.

Maadaama qishkaas uu soo badanaya mudooyinkii u dambeeyay islamarkaana u noqday xaqiiqo jirta waxaana marag madon noqonaysa imtixaanaadkii u dambeeyay ee sannadkaan la qaaday ee dugsidda run ahaantii waaxanu arkaynay qish farabadan.

Khatarka Qishka:

Hadaba labaad waxaan rabaa inaan ku tilmaamo khatar intee le'eg buu leeyahay qishkaas imtixaanaadku ama dhibaatada uu ka imaan karta imtixaanka oo la qishaa.

Kow, ardaygu markuu imtixaanka qisho waxa ugu horreeya ee lumaya waxa weeye waxbarashada wixii loo dejiyay. Waxbarashada waxaa loogu talogalay ardaygu maada uu dhiganayo maadada uu dhiganayo inuu fahmo oo lafo-guro, uu falanqeeyo.

Ardeygu marka uu qisho arrintaas meesha way ka baxaysaa sababtoo ardaygu cid kale wax ay leedahay ama uu islamarkiiba soo qortay ayuu qoranayaa markaa maskaxdiisu maskaxdiisu ma shaqaynayso.

Comments

Popular posts from this blog

Faaidooyinka Caafimaad ee Masagada

Ku Socota Qof Kasta oo Somali ah: JOOJI SONKORTA BADAN

Faaiidooyinka Caafimaad ee Barbarooniga