Faaiidooyinka Caafimaad ee Barbarooniga
Wareegga Dhiigga:
Barbaroonidu waxa uu u roon yahay kana hortagaa wadne istaagga kasoo sabab u ah wareeg xumada dhiigga, wuxuu kacshaa cadaadiska dhiigga ee hooseeya si uusan wadnuhu u fadhiisan sidoo kalana wuxuu xambaaraa oxygenka.
Arragga Indhaha:
Barbaroonigu wuxuu xoojiyaa arragga indhaha gaar ahaan habeenkii. barbaroonidu wuxuu ka hortaggaa kana ilaaliyaa indhaha shucaaca ama ceeryaanta dulfuusha indhaha maxaa yeelay waxaa ku jira barbarooniga maadada beta-carotene iyo fiitamiin C.
Dhiig Yarida:
Barbaroonigu wuxuu buuxiyaa baahida uu jirku u qabo fiitamiin C maalintii, fiitamiin C na wuxuu jirka ku kordhiyaa maadada iron ta ee dhiiggu ka samaysan yahay, marka dad uu ku yaryahay dhiigu waa hab daawo dabiici u ah.
Caafimaadka Timaha:
Barbaroonigu wuxuu kacshaa, koriyaana timaha, kana ilaaliyaa daadashada iyo googo'a timaha, Wuxuu sidoo kale xoojiyaa oo uu kor u qaadaa, wareegga iyo socdaalka dhiigga, taasoo muhiim u ah koritaanka timaha iyo ka ilaalinta hormoonka dihyderotestosterone ee qallajiya salka timaha.
Caafimaadka Maqaarka:
Barbarooniga noocyadiisa kala duwan sida guduudka, cagaarka iyo huruuda waxay qani ku yihiin fiitamiin C kasoo beera baxshana carjaw. Carjawdaan ayaa usahasha maqaarka inuu si degdeg ah uga buskoodo dhaawacyada, sidoo kalena wuxuu maqaarka ka ilaaliyaa duuduubka.
Sun Saarista:
Barbaaroonogu wuxuu banaanka usoo saaraa xuubka duufka ee isku xeendaaba duleelka sanka iyo sambabada wuxuuna dhacaamada kale ee wasakhaysan uga soo tuuraa banaanka dhidid ahaan.

Comments
Post a Comment