Sida Loo Helo Farxad iyo Raaxo

Kulanti wacan akhriste, qodobka koobaad ee maqaalkeenna waxaan uga hadlaynaa sideebaa loo daweeya warwarka iyo walaaca?

Qodobka koobaad ee lagu daweeyaa murugada iyo walbahaarka waxaa weeyaan inaad iska xidhaa wixii tagey, sidee kalana iska xidhaa waxa soo socda oo aad ku ekaataa maalinta aad joogto. waxaa la yiraahdaa qaacidadaan waa qaaciido aad u muhiim u ah bal e culumada cilmi nafsiga aad ayay iskugu waafaqsan yihiin oo ay tilmaamayaan qofku si uu u helo sacaado iyo raaxo waa inuu ku noolaadaa maalintaa uu runtii joogo.

maalintaa wixii yaalla waa inuu ku noolaadaa waa inaad iska ilowdaa akhriste wixii tagey, wixii tagey dib uma soo noqonayaan, wixii dhacay dib uma soo noqonayaan waa ay ku dhaafeen  keliya waxaa lagaaga baahan yahay akhriste inaad ka faaideysato, khibrado inaad ka hesho, inaad isweydiiso waxaas maxay u dhaceen iyo maxaan ka faaidii karaa arrimahaas oo keliya ayaa loo baahan yahay laakiin inaad dib u xasuusato, inaad walaac iyo walbahaar isku furto, arrintaa looma baahna, sidaas daraadeed waxaa lagaa rabaa akhriste waa inaad iska xidhaa.


Qodobka kale waxa weeyaan waxa soo socda inaad albaabkooda xidho, taa waxaan ula jeednaa, waxaa soo socda waxaa lagaa rabaa inaad qorsheyso qorshe waa inaad u dejisaa sidaad ku gaadhi lahayd waa inaad samaysaa dariiqadii iyo istaraatiijiyadii waa inaad dejisaa laakiinse maxaa laguu diidan yahay inaad ka fikirto waxyaalaha kugu dhici kara oo markiiba aad istiraahdo waxaasaa kugu dhacaya dhibaato kugu imaanaysaa imtixaankaad ku dhacaysaa xanuun baa kugu dhici doona, shaqadii baa waayi doontaa. mustaqbalkaa aadan ogayn wixii dhici doona isku fudho albaabkiisa oo weliba welwel iyo walaac aad isku furto taa lama ogola.

Lakiin inaad qorsheyso oo tidhaahdo mustaqbalka halkaasaan u socdaa, waxaasaan rabaa wadaadaas iyo qorshaahaasna waan ku gaadhayaa kaa waa loo baahan yahay. Qodobkan wuxuu tilmaamayaa inaad ku noolaato maalinta aad joogto. Maalintaas aad joogto waa inaad isweydiisaa war maanta maxaan qaban karaa?

Maxaan Ka Warwarayaa?

Sheygaan mushkilada igu ah ee warwarka igu abuuray, horta muxuu yahay. Waa inaad isaga ogaataa oo aad baadhaa. sababtu waa maxay waxaa laga yaabaa.


Dad badan ayaa waxay yidhaahdaan waxyaalaha qaar inay cudur keenaan baa laga yaabaa, dadka qaarbaa waxay kugu odhanayaan dawooyinkaas cudur bey kugu keenayaan ama dadba ku odhanaya cuntooyinka noocaas ah cudur bey kuu keenayaan. Haddii arrintaas warwar kugu abuurto cuntaas bilaad ku xanuunsataa maxaad samaynaysaa baadhitaan la sameeyaa.

Baadhitaanka Markaad samaysid dadkii aqoonta u lahaa aad weydiiso maxaa kuu soo baxaya in aanay arrintaas jirinba, markaa warwarkaagiiba halkaas buu ku dhamaanayaa.

Marka warwarkii aad ka welwelsanayd muxuu u baahnaa oo keliya inaad xaqiiqada ogaato

Marka halkaas warwarka ku noolaan lahayd oo maalin kasta is odhan lahayd waxaa waad ku dhimanaysaa, maxaa lagaa rabaa war xaqiiqada raadi, xaqiiqada markaad heshana warwarkii waa ka tagayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faaidooyinka Caafimaad ee Masagada

Ku Socota Qof Kasta oo Somali ah: JOOJI SONKORTA BADAN

Faaiidooyinka Caafimaad ee Barbarooniga