khatarta Cunista Badan Ee Cusbada

Kilyaha:

Kilyuhu waxay ka shaqeeyaan tuurida dhecaannada uusan jirku rabin, iyo miiridd dhiigga, kilyuhu waxay tuurayaan dheecaannada haraadiga ah ee kaadi haysta, markaad qaadatid cusbo badan, waxay cusbada ku baaqi ahaanaysaa, kilyaha islamarkaana carqaladaynaysaa in kilyuhu ay miiraan dhiigga, ama dheecaanada u rabin jirku banaanka u tuuro.waxayna kaloo sababtaa in kor u kaco cadaadiska dhiigga kilyahunua fadhiistaan. taasina waxay imaanaysaa markii kilyihu tuuri miiri weeyaan dheecaamada.

Wadne Xanuunka:

Markii cadaadiska dhiiggu uu kacsan yahay, sababayno cunista cusbo badan, waxaa si weyn dhaawac usoo gaarayaa xididada wadnaha, horseedayana wadne garaac, waayo wadnuhu heli maayo dhiig deeqa iyo oxygen. waxay ku samaynaysaa shaf xanuun hadana qarka wadne istaag.

Bararka Xididada:

Markaad la nooshahay dhiig kar uu sababay isticmaalka cusbo badan waxaa cadaadis ama cabbur saaraysaa xididka, si uu macaamilo cadaadiskaas. duleelka xididka ayaa kala baxaya, hoos u dhigaya kariimada kala baxa, wadiiqo yarna siinaya socdaalka dhiigga, taasoo yaranaysaa qulqulka dhiiga, kadibna keenaya bararka duleelka xididka.

Lafo Burbur:

Isticmaalka cusbo badan waxay kordhinayaa heerka maadada sodium-ta taasoo sababaysa in maada calcium uu kaadi ahaan usoo baxo.

Comments

Popular posts from this blog

Faaidooyinka Caafimaad ee Masagada

Ku Socota Qof Kasta oo Somali ah: JOOJI SONKORTA BADAN

Faaiidooyinka Caafimaad ee Barbarooniga