Posts

Showing posts from July, 2017

Ku Socota Qof Kasta oo Somali ah: JOOJI SONKORTA BADAN

Image
Sonkortu waxay sababtaa caafimaad darro faro badan, waxaa laga qaadaa xanuunada macaanka, buurnida, xanuunada wadnaha iyo qaarkaloo badan. Hadaad joojiso isticmaalka badan ee sonkorta waxaa isbaddal dagdag ah oo caafimaad ka dareemaysaa guud ahaan jirkaaga. Maxaa ku dhacaya hadaad joojiso sonkorta? Hoos u dhiggida macaanka: Hadaad yareyso qaadashada sonkorta waxaa kordhaya heerka hoormoonka insulin. Hormoonkaan ayaa dhex quluqula dhiigga isagoo isku xeendaaba sonkorta jirka hoosna u dhiga heerkeeda taasina waxay hoos u dhigtaa ama yareysaa khatarta cudurka macaanka oo faro ba'an ku haya dad badan oo Somali ah iyo dhamaan dunida oo dhan. Caafimaadka wadnaha: sonkorta badan ee jirka waxay kordhisaa dhiig karka sababtuna waxay heerka hormoonka insulin oo kacsan,  emmigagu glitter graphics  dhiig karkuna wuxuu dhaawacaa wadnaha. marka aad xadid sonkorta waxaa kobcaya caafimaadka wadnahaaga. Caafimaadka beerka: Markasto oo aad badsato cuntooyinka sonkortu ku bad...