Ku Socota Qof Kasta oo Somali ah: JOOJI SONKORTA BADAN
Sonkortu waxay sababtaa caafimaad darro faro badan, waxaa laga qaadaa xanuunada macaanka, buurnida, xanuunada wadnaha iyo qaarkaloo badan. Hadaad joojiso isticmaalka badan ee sonkorta waxaa isbaddal dagdag ah oo caafimaad ka dareemaysaa guud ahaan jirkaaga.
Caafimaadka wadnaha: sonkorta badan ee jirka waxay kordhisaa dhiig karka sababtuna waxay heerka hormoonka insulin oo kacsan, emmigagu glitter graphics dhiig karkuna wuxuu dhaawacaa wadnaha. marka aad xadid sonkorta waxaa kobcaya caafimaadka wadnahaaga.
Caafimaadka ilkaha: Qofka oo badsada cuntooyinka sonkortu ku badan tahay waxay ilkihiisa u keenaan bolol iyo in xididka iliggu uu dabco waxaa intaa cuntooyinka sonkorta inay hoos u dhigaan cadaanta iyo dhalaalka ilkaha marka yareynta qaadashada sonkorta waxaad ka helaysaa dhoola cadayn qurxoon.
Maxaa ku dhacaya hadaad joojiso sonkorta?
Hoos u dhiggida macaanka: Hadaad yareyso qaadashada sonkorta waxaa kordhaya heerka hoormoonka insulin. Hormoonkaan ayaa dhex quluqula dhiigga isagoo isku xeendaaba sonkorta jirka hoosna u dhiga heerkeeda taasina waxay hoos u dhigtaa ama yareysaa khatarta cudurka macaanka oo faro ba'an ku haya dad badan oo Somali ah iyo dhamaan dunida oo dhan.
Caafimaadka beerka: Markasto oo aad badsato cuntooyinka sonkortu ku badan sida doolshaha, xalwada, iyo macaanmaacannada kale waxaa badanaysa xayrta taasoo kugu hoggaaminaysaa markasta beeka xayri fuusho, markastana aad yareyso sonkorta caafimaadka beerkaagu wuu hagaagayaa. Waxaan horay uga hadalnay cuntooyinka beerka uroon kana nadiifiyo sunta kuwaas si heer sare u caawiya shaqada beerka gaar ahaan qashin saarka. Ogsoonoow beerku waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan xubnaha jirka shaqooyinka uu qabto waxaa ka mid ah inuu jirka ka caawiyo kala soocidda, wasakhdana uu ka nadiifiyo cuntada islamarkaana uu sunta ka saaro dawooyinka iyo shaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaad qabka qofka. Marka cuntooyinka sonkortu ku badan ama dufanku cuntooyinka
warshadaysan iyo kuwa shiilan waxay culays xooggan saaraa inuu beerku qashinka iska saaro.
Caafimaadka maqaarka: Isticmaalka badan ee cuntooyinka sonkortu ku badan tahay waxay sababaan finan, marka haddi aad doonayso inay finanku kaa yaraadaan wajigana uu ku noqdo sulub, ka fogow sonkorta badan sidoo kale cunista badan ee sonkorta waxay maqaarka kusoo dedejisaa cimri degdega iyo calaamadaha gabowga.

Waxaan ka faaiideystay wax badan
ReplyDeleteasc walaal tan waxaa hubal ah in aad ku muteysato qeerbadan oo xag Alaha awooda leh ku siiyo Amiin walaal
ReplyDeleteMahadsanid walal
ReplyDeleteJasaaaka allah
ReplyDelete